Kaniiniyada ilmo iskasoo ridista waa la keenay

  • Daawada Ilmo Iskasoo Ridista oo lagu keeno Boostada ama Rugta Wareegta
  • Shaqaale taageero leh oo ka Jawaabaaya Su’aalaaha
  • Balanta Kooban ee Daawada Khadka
  • Waxaan u baahan nahay turjumaan? Ma u baahan tahay Safar? Diyaar ayaan u nahay inaan ku caawino!

7,000+ ayaa la caawiyay

“Ten years ago, I needed an abortion in an unsafe and abusive relationship. It was very difficult and almost impossible for me to get to the clinic and it almost cost me my life. I wish you had existed back then because this process has just been so wonderful, easy, and simple to go through.“

 

“I’ve been up for 2 days calling and researching. Just The Pill has been the most helpful and least stressful. So I just want to say thank you, I appreciate your kindness and patience with me.”

 

 “Everyone of you does an excellent job and I hope you all know how much you are helping bring light back! Thank you for bringing hope back and pushing the feminine agenda to body autonomy”

 

“You guys have all been so wonderful throughout this whole process, and I feel so reassured and comforted having a team of amazing people I can call for guidance. Thank you.”

 

“Thank you all so much. It was a very cathartic experience and help me come to terms with so much that I was dealing with. You all have changed my perception of what needs to matter and be prioritized in my life. Thank you”

 

“Thank you. I really appreciate your service to women. My own dr wouldn’t even talk to me about my options and it was very upsetting. Thank you again and for this service for existing. You’re doing amazing work.”

 

“You have no idea how amazing this experience was considering the situation. Without Just The Pill I would have had to take off work, find sitters and then make the trip that was a minimum 250 miles. So thank you for doing what you do. Us small town Wyoming ladies really appreciate you.”

 

“I did want to share how grateful I am to have had this as an option. This experience empowered me to prioritize my health and well-being in the safety of my own home. Thank you for your help!”

 

“I can’t express how grateful I am to your clinic. It brings me to tears thinking about how scared and alone I felt learning I was pregnant, and the relief and love your service gave me.”

 

“Thank you so much for everything! This has been as easy as it could be. You did so much to make me comfortable and feel respected and cared for which is worth more than I can ever express.”

 

Adeegyadeena

Talo bixin Oonleyn ah

Balan ka qabso dhakhaatiirtena ruqsada leh.
Qasab kama dhigayno booqashooyinka gudaha xaafiiska, marka waxaad balan ka qabsan kartaa khadka taleefanka ama kumbuyuutarka, si loo daboolo baahiyahaaga caafimaadka galmada iyo taranka.
Waxaan diyaar u nahay inaan ku taageerno. Naxariis iyo qadarin ayaa ah tiirarka shaqadeena.

Daawo leh badqab, qanaaco, laguuguna soo diraayo boostada gurigaaga

Haddii aad dooneyso xakamaynta uurka, kaniiniga ilmo iskasoo ridista, ama daawooyinka caabuqa galmada waan ku taageeraynaa! Daawooyinkaaga toos ayaa laguugu keenayaa, si aad kaniiniga ugu cunto gurigaaga adoon cidna ku ogaan.

Daawo leh badqab, qanaaco, laguuguna soo diraayo boostada gurigaaga

Haddii aad dooneyso xakamaynta uurka, ama kaniiniga ilmo iskasoo ridista, waan ku taageeraynaa! Daawooyinkaaga toos ayaa laguugu keenayaa, si aad kaniiniga ugu cunto gurigaaga adoon cidna ku ogaan.

Adeegyo sir ah oo qarsoodi ah

Maadaama aan ognahay muhiimada uu leeyahay caafimaadkaaga galmada iyo taranka, waxaan xaqiijinaa inaan adeegyadeenna ku jaan goyno baahiyahaaga. Waxaan qadarinaynaa aana ilaalinaynaa sirtaada. Just The Pill waxaa aasaasay dad u dooda xuquuqda taranka iyo helitaanka caafimaadka.

Taageer shaqadeena

Su`aalaha Inta badan la Isweydiiyo

Tan ma kula tahay wax ka badbadis ah? Sidee ayaan ku ogaanayaa in rugtaani tahay haayad sharci ah?

Si buuxda ayaan u fahmaynaa walaacyadaada. Waxaan dooneynaa inaad ku qanacdo dhakhtarkaaga. Just The Pill waxay xubin ka tahay Isbahaysiga Qaran ee Ilma Iskasoo Ridista iyo Shabakada Daryeelka Ilmo Iskasoo ridista. Halkaan waxaad ka helaysaa maqaal sharxaaya sida aan ku bilaabanay anagoo ah haayad khayri ah, rug caafimaad oo oonlayn ah oo u taagan inay u sahasho dadka miyiga jooga inay helaan daryeelka ilmo iskasoo ridista.

Haddii aad go’aansato in helitaanka daawada Ilmo Iskasoo Ridista ee aan boostada kuu soo dhignay aysan kugu haboonayn, waan qadarinaynaa go’aankaaga! Waxaan kugu dhiiri gelinaynaa inaad ka baaraan degto dookhyada gudaha rugta. Halkaan ayaad ka helaysaa lifaaq aad ka eegi karto noocyada xarumaha caafimaadka ee kuu dhow: www.prochoice.org.

Waa inaad samaysaa waxa maslaxdaada ku jirto! Diyaar ayaana kuu nahay haddii aad go’aansato inaad diyaar u tahay in daawada guriga laguugu keeno.

Waa maxay kaniiniga "abortion," ama daawada Ilmo Iskasoo Ridista?

“Ilmo iskasoo ridista kaniiniga loo adeegsado,” oo sidoo kale la yiraahdo daawada Ilmo Iskasoo Ridista, waa dookh casri ah oo la iskaga soo rido uurka cusub (kahor 10 asbuuc) si badqab iyo waxtar leh ayadoo la adeegsanaayo isku darka daawooyinka: mifepristone iyo misoprostol (ama keliya miso, haddii aan la heli karin mifepristone). Mifepristone waxay xanibtaa hoormoonka progesterone taasoo joojinaysa kobaca uurka halka misoprostol ay ku qasabto minka inuu kaaro uuna sayriyo waxa gudihiisa ku jira, si waxtar leh ayna ku jirto dilanka.

Waxaa jira labo nooc oo ilmaha la iskaga soo rido kaniiniyo:

1) Mifepristone pllagu lagu daray misoprostol: Waxaad liqaysaa kaniiniga mifepristone marka hore, kadibna waxaad raacinaysaa 24 ilaa 48 saacadood kadib kaniiniga misoprostol. Kani waa qaabka ugu badan ee ilmaha la iskaga soo rido kaniiniga (95-98% uurka la iskasoo rido ayaa guuleysta). Waxay leedahay ciladaha ugu yar ee ka dhalan kara waxaana ogolaaday Maamulka Cuntada iyo Daawada (FDA) ee Mareykanka. Kani waa nooca ilmo iskasoo ridista ee loo adeegsado kaniiniyada ay bixiso Planned Parenthood waxaana ku talinaaya American College of Obstetricians and Gynecologists (Machadka Mareykanka ee Dhakhaatiirta Umulinta iyo Taranka).

2) Misoprostol keliya: Ilmo iskasoo ridista loo adeegsado kaniiniyada ayaa sidoo kale lagu samayn karaa ayadoo la isticmaalaayo kaniiniyada misoprostol. Tani way ka waxtar yar tahay marka labadaba mifepristone iyo misoprostol la qaato (ku dhawaad 85% ilma iska soo rididda waa lagu guulaystaa). Hay’adda Caafimaadka Aduunka ayaa ku talinaaa isticmaalka misoprostol keliya si uurka biloowga ah la iskaga soo xaaqo marka mifepristone aan la heli karin.

Labadaba qaaba waa kuwo waxtar leh oo aad amaan u ah. Labada noocba waxaa sidoo kale aad u adeegsada haween waynaa caalamka.

Daawo muuqaal kayimid International Planned Parenthood Federation kaasoo ka hadlaaya sida kaniiniga ilmo iskasoo ridistu u shaqeeyo.

Sidee ayay u shaqeeyaan?

Kaniiniga ilmaha la iskaga soo rido ayaa ka hor istaaga progesterone inay gasho uurka kobcaaya (mifepristone) kuna qasbaysa minka inuu dikaamo uuna daadiyo waxa gudihiisa ku jira (misoprostol), si waxtar leh inta ilmuhu dilanka ku jiro. Khibrada rasmiga ah waxaa ku jira maalin aad si wayn u dhiigbaxdo iyo dikaan.

Waxaa ugu fiican inaad adeegsato qaabkaan meel raaxo iyo badqab leh, waxaana laga yaabaa inaysan ku haboonayn dadka bilaa hooyga ah ama ku jira xariirka xun.

Ma yahay mid badbaado leh? Waa maxay khataraha ka dhalan kara?

Isticmaalka kaniiniyada ilmo iskasoo ridista ayaa aad amaan u ah. Kaniiniyada ilmo iskasoo ridista ayaa ah kuwa ugu amaanka badan uurarka kayar 10 asbuuc (kayar 70 maalmood, marka lagasoo bilaabo maalinta koobaad ee caadada tooska kuugu dhacday). Heerka dhibaatooyinka ugu badan inta lagu jiro ilmo iskasoo ridista xiliga hore ayaa aad u yar, hadbana inta aad boobsiiso iskasoo ridista uurka, ayay yar yihiin fursadaha dhibaatooyinku.

Waxaa fiican inaad adeegsato mifepristone oo lagu daray misoprostol waayo way ka waxtar badan tahay. Laakiin, mararka qaar kaniiniyada mifepristone ayay adag tahay in laga helo Mareykanka. Hay’adda Caafimaadka Aduunka ayaa sheegay in ay amaan tahay in la adeegsado misoprostol keliya marka aan la heli karin mifepristone.

Hal khatar ayaa ah in kaniiniga uur iskasoo ridistu uu shaqeyn waayo (waxaa laga yaabaa inaysan soo ridin uurka). Kaniiniyada ayaa waxtarkoodu liitaa marka keliya misoprostol la adeegsado marka kaniiniyada loo cuno uur wayn. Inta badan dhakhaatiirta ayaa ku taliya in la sameeyo baaritaanka uurka 3-4 asbuuc kadib marka aad cunto kaniiniyada si loo xaqiijiyo inay shaqeynayaan. Haddii uurka lagaa helo, waa muhiim inaad hesho daryeelka dabagalka ah. (Ogoow: baaritaanka uurka ee la sameeyo kahor 3-4 asbuuc kadib marka aad cunto daawada ilmo soo ridista ayaa muujin kara natiijada beenta ah ee ah inaad uur leedahay waayo waxay qaadanaysaa wakhti si hoormoonnada uurku ay ka baxaan jirkaaga.)

Khatar kale waa in haddii uurku uu ku yaalo meel ka baxsan minka. Tan waxaa loogu yeeraa uurka ectopic ama tubal. Uurkaan aad ayuu dhif u yahay (keliya ku dhawaad 2 kamid ah 10 uur). Marka ay sidaan dhacdo, kaniiniyada ilmo iskasoo ridista ayaan shaqeyn doonin qofkuna wuxuu u baahan karaa daryeel caafimaad oo degdeg ah, taasoo uu ka helaayo xarun caafimaad. Sabab la xiriirta khatartaan yar, waa muhiim inaad markasta samayso baaritaanka uurka 3-4 asbuuc kadib marka aad liqdo kaniiniyada aadna daryeel degdeg ah raadsato haddii baaritaanku muujiyo inaad uur leedahay. Sidoo kale waxaa muhiim ah inaad raadsato daryeel haddii ay jiraan astaamo kasta oo sii socda ama calaamadaha uurka kadib marka aad ilmaha soo rido (sida xanuunka ubucda oo daran siina badanaaya, gaar ahaana haddii uu kaa hayo hal gees). Uurka Ectopic waa mid dhif ah laakiin wuxuu abuuraa xaalado caafimaad oo xun.

Maxaan filan karaa kadib marka aan liqo kaniiniyada ilmo soo ridista?

Kaniiniyada ilmo iskasoo ridistu waxay abuuraan dhiigbax iyo kaar. Waa qayb dabiici ah oo kamid ah shaqada ilmo soo ridista waxayna muujinaysaa in kaniiniyadu ay shaqeynayaan. Dad badan ayaan lahayn wax astaamo ah kadib marka ay qaataan kaniiniga koobaad (mifepristone). Dhiigbaxa iyo dikaanka ayaa caadiyan biloowda isla markaba kadib marka aad cuntyo qaybta labaad ee kaniiniyada (misoprostol).

Dhiigbaxa ayaa ka cuslaan kara kan caadada caadiga ah dikaanka ayaana noqon kara mid fudud ilaa mid xanuun badan. Way kaladuwanaan karaan qof kasta iyo mudada aad uurka lahayd.

CIladaha kale ee ugu badan ee ka dhalan kara waxaa kamid ah calool xanuun, matag, shuban, madax xanuun, dawakhaad, iyo qandho.

Webseedka www.howtouseabortionpill.org waxaad ka hlaysaa xog badan oo ku saabsan waxa aad filan karto marka aad liqdo kaniiniyada iyo sida aad u maareynayso ciladaha daawada.

Fadlan caawimaad degdeg ah u dono xirfadle caafimaad haddii aad leedahay wax kamid ah astaamahaan daran:

  • Dhiigbax qoynaaya wax ka badan 2 xafaayada maxi ah halkii saacba muddo ka badan 2 saacadood oo xiriir ah, AMA
  • qandho ka badan 100.4 digii Fahrenheit muddo ka badan 24 saacadood, AMA
  • qandho ka badan 100.2 digrii Fahrenheit intii muddo ah

Sida loo diyaar garoobo:
Si aad ugu diyaar garoowdo liqista kaniiniga labaad adoo guriga jooga, abortionfinder.org ayaa ku talinaaya inaad uruursato agabka soo socda xili hore:

  • Xafaayad qandac ah
  • Dhar raaxo leh, ayna ku jirto buume jilicsan
  • Xafaayada maxi oo dheecaan badan liqaysa
  • Buste lacala haddii aad qarqarto
  • Burarka barafka iyo/ama cadadka si aad u dhuuqdo haddii aad dareento lalabo ama matag
  • Cunto si fudud loo raamin karo sida buskud khali ah, bariis cad, moos, maraq, iyo roodhi khali ah oo cad
  • Wax aad ku mashquusho, sida filimaanta, tv-ga, joornaallada, buugta midabka, ama gaymamka muuqaalka
  • Saaxiib ama qof kale oo ku taageera si uu kuula joogo kaagana caawiyo wax kasta oo aad u baahan tahay in lagaa caawiyo.
Xuquuqda daabacaada iyo koobiga: 2024 Just The Pill. Dhammaan xuquuqahu way dhowran yihiin.