Xeerka Arimaha Shaqsiga

Macluumaadkaaga. Xuquuqdaada. Waajibaadkeena.

Ogeysiiskan waxa uu qeexayaa sida loo isticmaali karo loona shaacin doono macluumaadka caafimaadkaaga iyo sida aad adigu u heli karto macluumaadkan. Fadlan si taxadar leh u akhriso.

Xuquuqdaada

Waxaad xaq u leedahay:

  • Inaad hesho nuqulka waraaqda ah ama elektarooniga ah ee diiwaanka caafimaadkaaga
  • Inaad saxdo diiwaankaaga caafimaadka ee waraaqda ama elektarooniga ah
  • Inaad codsato in si qarsoodi ah laguula soo xiriiro
  • Inaad naga dalbato inaan yareyno xogta aan cid kale la wadaagno
  • Inaad hesho liiska dadka aan xogtaada siinay
  • Inaad hesho nuqulka ogeysiiskaan sirta
  • Inaad doorato qof ku matala
  • Inaad gudbiso cabasho haddii aad aaminsan tahay in xuquuqdaada sirta lagu tuntay


Dookhyadaada:

Waxaad haysataa dookhyada qaar oo ku aadan qaabka aan u adeegsano aana u faafino xogta marka aan:

  • U sheegayno qoyska iyo saaxiibada xaaladaada
  • Ku siinayno gurmadka masiibada
  • Kugu darayno diiwaanka isbitaalka
  • Ku siinayno daryeelka caafimaadka dhimirka
  • Aan suuqgaynayno adeegyadeena aana iibinayno xogtaada
  • Aan lacag uruurinayno


Isticmaalladeena iyo Shaacinadeena

Waxaan adeegsan karnaa aana shaacin karnaa xogtaada marka aan:

  • Ku daawaynayno
  • Maamulayno ururkeena
  • Codsanayno qarashka adeegyadaada
  • Aan gacan ka gaysanayno arimaha caafimaadka iyo badqabka dadwaynaha
  • Aan cilmi baaris samaynayno
  • Ku dhaqmayno sharciga
  • Ka jawaabayno codsiyada deeqaha xubnaha iyo qaybaha jirka
  • Aan la shaqeynayno baaraha caafimaadka ama agaasimaha tacsida
  • Aan xalinayno codsiyada magdhawga shaqaalaha, booliiska, iyo codsiyada kale ee dawlada
  • Ka jawaabayno dacwadaha iyo talaabooyinka sharciga


Xuquuqdaada

Marka laga hadlayo macluumaadkaaga caafimaadka, waxaad leedahay xuquuqo gaar ah. Qeybtan waxa ay sharxaysaa xuquuqahaaga iyo qaar ka mid ah waajibaadkaaga si aad ku hesho caawimaad.

  • Inaad hesho nuqulka waraaqda ama elektarooniga ah ee diiwaankaaga caafimaadka
    • Waxaad soo codsan kartaa in aad aragto ama aad koobbi ka hesho feylkaaga caafimaadka oo ah waraaq ama feyl shaashadeed iyo macluumaadkaaga kale ee caafimaadka ee aan kaa hayno. Naga soo codso sida aad rabto. Waxa aan koobbi ama qoraal kooban kaa siineynaa macluumaadkaaga caafimaadka, oo sida caadiga ah 30 maalmood gudahood ayaad nooga heleysaa.
    • Waxaa laga yaabaa in aad bixiso lacag yar oo macquul ah, oo ah kharashka hawshaada.
  • Inaad naga codsato inaan saxno diiwaankaaga caafimaadka
    • Waxaad naga codsan kartaa in aan saxno macluumaadkaaga caafimaadka ee khaldan ama aan dhammeystirneyn. Naga soo codso sida aad rabto.
    • Waxaan codsigaaga oran karnaa “maya”, laakiin waa in aan sababta kuugu sheegeyno si qoraal ah 60 maalmood gudahood.
  • Inaad codsato inaan si qarsoodi ah kuula soo xiriirno
    • Codsiga xogdhowrid ah qarsoodi Waxaad naga soo codsan kartaa in laguula soo xiriiro si gaar ah (tusaale ahaan, taleefan ah guriga ama xafiiska) ama in waraaqaha laguugu soo diro cinwaanka aad rabto.
    • Waxaan codsiyada macquulka ah oo dhan uga jawaabnaa “haa”.
  • Inaad naga codsato inaan yareyno waxa aan adeegsano ama faafino
    • Waxaad naga codsan kartaa in aan macluumaadka caafimaadka la isticmaalin ama aan lala wadaagin arrimaha daaweynta, lacag-bixinta, ama hawlaha kale. Shuruud naguma aha in aan kaa aqbalno codsigaaga, oo waxaan kuugu jawaabi karnaa “maya” haddii ay jirto saameyn ku imaaneysa daryeelkaaga.
    • Haddii aad adigu si buuxda isaga bixineyso adeeg laguu qabtay ama wax kale oo la xiriira daryeelkaaga caafimaadka, waxaad naga codsan kartaa in aanan macluumaadkaas ula wadaagin ceymiskaaga ujeeddo la xiriirta lacag-bixin ama wax ah hawlo kale. Waxaan kuugu soo jawaabnaa “haa” haddii uusan jirin sharci nagu amraya in aan macluumaadkaas meelo kale la wadaagno.
  • Inaad hesho liiska dadadka aan xogtaada la wdaagnay
    • Waxaad naga soo codsan kartaa liiska (wax u kala qoran) wakhtiyada aan meelo la sii wadaagnay macluumaadkaaga caafimaadka ilaa iyo lix sano oo ka horreysa taariikhda codsigaaga, meelaha aan la wadaagnay, iyo sababta mid kasta.
    • Waxaan kuu soo direynaa meelaha aan u gudbinnay arrimahaaga oo dhan marka laga reebo daaweynta, lacag-bixinta, iyo hawlaha kale ee daryeelka caafimaadka, iyo meel kale oo gaar ah (sida wax kasta oo aad adigu naga soo codsatay in aan kuu sameyno). Waxaad halkii sano naga heli kartaa qoraalka aad naga codsato oo isku hoos taxan oo ah bilaash, laakiin waxaan kugu soo dallacaynaa khidmad yar oo macquul ah, oo ah kharashka la galayo haddii aad mar labaad qoraalka naga soo codsato ilaa iyo 12 bilood gudahood.
  • Inaad hesho nuqulka ogeysiiskaan sirta
    • Markaad rabto ayaad naga soo codsan kartaa koobbi ah waraaqda isticmaalidda xogtaada, xataa haddii aad rabto in aad ku hesho hab shaashadeed ama ah intarnetka. Waxaan si degdeg ah ku siineynaa koobbi ah waraaqdaas.
  • Inaad doorato qof ku matala
    • Haddii aad qof u saxiixdo inuu kaaga qareemo go’aaminta arrimahaaga caafimaadka ama haddii uu qof kuu yahay masuul ama ilaaliye sharci ah, qofkaas ayaa ka hadli kara xuquuqahaaga oo waxa uu kala-doorasho kuugu sameyn karaa macluumaadkaaga caafimaadka.
    • Waa in aan hubin karno in aad qofka u oggolaatay xuquuqdaas oo uu adiga sifo sharci ah kuu matali karo ka hor inta aanan wax tallaabo ah qaadin.
  • Inaad gudbiso cabasho haddii aad dareemeyso in lagu xadgudbay xuquuqdaada
    • Waxaad gudbin kartaa cabasho haddii aad dareemeyso in lagu xadgudbay xuquuqdaada adoo nagala soo xiriiraayo xogta ku qoran bogga 1-aad.
    • Waxaad cabashadaada u gudbisan kartaa Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Dadweynaha, Xafiiska Xuquuqda Madaniga, oo waxaad waraaqaha ugu soo dirtaa cinwankooda oo ah 200 Independence Avenue, S.W., Washington, D.C. 20201, calling 1-877-696-6775, ama booqanaaya www.hhs.gov/ocr/privacy/hipaa/complaints/. Ma dhici karto in aargoosi laguugu sameeyo dacwo aad qoratay awgeed.

Dookhyadaada

Macluumaadka caafimaadka qaarkood, adiga ayaa noo sheegi kara sida aan meelo kale ula sii wadaagi karno. Haddii aad adigu doorbideyso sida aan macluumaadkaaga meelo kale ula sii wadaageyno ee ku cad siyaabaha hoos ku qoran, waa in aad nagala hadasho. Adigu noo sheeg waxa aad rabto in aan kuu sameyno, si aan kuugu raacno waxaad noo sheegto.

Xaaladahaas oo kale, waxa aad xaq iyo ikhtiyaarba u leedahay in aad noo sheegto inaan:

  • xogta la wadaagno qoyskaaga, saaxiibada kuu dhow, ama dadka kale ee qaybta ka ah daryeelkaaga
  • Inaan xogta baahino inta lagu jiro gurmadka masiibada
  • Inaan kugu darno diiwaanka xogta ee isbitaalka

Haddii aadan awoodin in aad noo sheegto waxa aad doorbideyso, tusaale ahaan haddii aadan miyir lahayn, waxaa laga yaabaa inaan macluumaadkaaga la wadaagno meelo kale marka aan rumeysannahay in ay adiga dantaadu ku jirto. Waxa kale oo laga yaabaa in aan macluumaadkaaga la wadaagno meelo kale marka loogu baahdo si loogu yareeyo halis daran oo degdeg ah oo ku imaan karta caafimaadkaaga ama badqabiddaada.

Marka ay sidaan dhacdo marna ma baahinayno xogtaada ilaa inaad na siiso maahee ogolaansho qoran:

  • Ujeedooyinka suuqgaynta
  • Iibinta xogtaada
  • Shaacinta inta badan qolaallada caafimaadka dhimirka

Marka aan sadaqo uruurinayso:

  • Waan kula soo xiriiri karnaa si aan u samayno dedaallada lacag uruurinta, laakiin waxaad noo sheegi kartaa inaanaan markale kula soo xiriirin.


Isticmaaladeena iyo Shaacinadeena Xogta

Sidee baan caadi ahaan u isticmaaleynaa ama meelo kale ula wadaagneynaa macluumaadkaaga caafimaadka?

Sida aan caadi ahaan u isticmaaleyno ama aan meelo kale ula wadaagno macluumaadka caafimaadkaaga waa siyaabaha soo socda.

  • Si aan kuu daaweyno
    • Waxaan macluumaadkaaga caafimaadka u isticmaali karnaa ama la wadaagi karnaa xirfadleyaasha kale ee caafimaadka ee ku daaweynaya. Tusaale: Dhakhtar kaa daweynaya dhaawac ayaa dhakhtar kale ka soo codsanaya xaaladdaada caafimaadka guud.
  • Si aan ugu maareyno hawlaha ururkeena
    • Waxa laga yaabaa in aan isticmaalno oo aan meelo wadaagno macluumaadka caafimaadkaaga si aan ugu gudan karno adeegyada aan sameyno, si aan ugu hagaajin karno daryeelka, iyo si aan kuula soo xiriirno markii loo baahdo. Tusaale: Waxaan macluumaadkaaga caafimaadka u isticmaaleynaa si aan uga shaqeyno daaweynta iyo adeegyada aan naga filaneyso.
  • Si aan u dalbano qarashka adeegyadaada
    • Waxa aan macluumaadkaaga caafimaadka u isticmaali karno ama aan meelo kale ula sii wadaagi karno waa qaansheegad aan lacagta kugu baxda uga soo heleyno ceymiska caafimaadka ama hay’ado kale. Tusaale: Waxaan macluumaadkaaga siineynaa ceymiska caafimaadka si aan uga heleyno lacagta adeegyada.

Waa sidee siyaabaha kale ee aan u isticmaali karno ama meelo kale ula wadaagi karno macluumaadkaaga caafimaadka?

Waxaa jira siyaabo kale oo shuruud nagu ah ama na loo oggol yahay in aan macluumaadkaaga meelo kale ula sii wadaagno – oo badanaaba waa wax dan ugu jirto dadweynaha, sida caafimaadka dadweynaha iyo cilmi-baaris. Waa in aan ka soo baxno shuruudo badan oo sharciga waafaqsan ka hor inta aanan macluumaadkaaga meelo kale ula sii wadaagin sida sharciga ku qoran. Wixii macluumaad dheeraad ah ka eeg: www.hhs.gov/ocr/privacy/hipaa/understanding/consumers/index.html.

  • Si aan gacan uga gaysano arimaha caafimaadka iyo badqabka dadwaynaha
    • Sababaha aan macluumaadkaaga caafimaadka meelo kale la sii wadaagi karno ayaa ku xiran xaalado gaar ah sida:
      • Kahortaga cudur
      • Gacan siinta soo celinta badeecooyinka
      • Soo sheegista ciladaha xun ee ka dhasha daawooyinka
      • Soo sheegista xadgudub, dayac, ama rabashada qoyska oo laga shakiyay
      • Kahortaga ama yareynta khatarta daran ee ku dhacaysa badqabka ama caafimaadka qof
  • Samaynta cilmi baaris
    • Waxaan u adeegsan karnaa ama u faafin karnaa xogtaada sababo cilmi baaris.
  • Ku dhaqanka sharciga
    • Waxa aan macluumaadkaaga meelo kale la sii wadaagi karno waa haddii ay sharciyada gobolka ama federaalka shuruud noo soo maraan, oo waxaa ka mid ah Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada haddii ay rabto in ay hubiso sida aan ugu hoggaansameyno sharciga federaalka ee dhowridda xogta dadweynaha.
  • Ka jawaabno codsiyada tabarrucaadda xubno iyo qeybo jirka ka mid ah
    • Waxaan faafin karnaa xogta kugu saabsan anagoo siinayna ururada uruuriya xubnaha jirka.
  • Si aan ula shaqeyno meydbaare ama agaasime ku hawlan aasidda meydka
    • Waxa aan macluumaadkaaga caafimaadka la wadaagi karnaa qof loo xilsaartay baarista meydka, dhakhtar ah meydbaare, ama agaasime ku hawlan aasidda meydka marka uu qof dhinto.
  • Xalinta codsiyada magdhawga shaqaalaha, booliiska, iyo laamaha kale ee dawlada
    • Waxaan u adeegsan karnaa ama u faafin karnaa xogtaada caafimaadka:
      • Codsiyada magdhawga shaqaalaha
      • Ujeedooyinka sharci fulinta ama siinta madaxda booliiska
      • Wakaaladaha kormeerka caafimaadka si ay ula socdaan arimaha sharcigu u ogol yahay
      • Hawlaha gaarka ah ee dawlada sida milatariga, amaanka qaranka, iyo adeegyada ilaallada madaxwaynaha
  • Ka jawaabida dacwadaha ama talaabooyinka sharciga
    • Wadaagi karnaa marka aan ka jawaabeyno amarka maamul maxkamadeed ama maxkamad, ama si aan uga jawaabno u-yeeris maxkamadeed.

Waajibaadkeena

  • Waxa sharci ahaan khasab nagu ah in aan dhowrno amniga iyo xogta dadweynaha ee macluumaadka xafidan ee caafimaadka.
  • Waxaan sida ugu dhakhsaha badan kuugu soo sheegeynaa haddii ay dhacdo xadgudub kasta oo laga yaabo in uu waxyeelleeyo ku keeno xogta iyo amniga macluumaadkaaga.
  • Waxaa khasab nagu ah in aan raacno waajibka isticmaalidda ah ee naga saaran xogta shakhsiga ah ee dadweynaa sida ku qoran ogeysiiskan sharciga ah oo aan koobbiga kaa siineyno.
  • Macluumaadkaaga uma isticmaali karno ama meelo ulama sii wadaagi karno wax aan ka ahayn sida halkan ku qaran haddii aadan adigu noogu soo sheegin si qoraal ah. Waxaan kuu sameyn karnaa wixii aad naga soo codsato, oo adiga ayaa codsigaaga beddeli kara markii aad rabto. Si qoraal ah noogu soo sheeg haddii aad codsigaaga beddeleyso.

Wixii macluumaad dheeraad ah ka eego: www.hhs.gov/ocr/privacy/hipaa/understanding/consumers/noticepp.html.


Sharciga Diiwaannada Caafimaadka ee Minnesota (MHRA) ayaa qasbaaya in aad loo xadido shaacinnada loo sameeyo qaababka soo socda:

  • Xuquuqaha bukaanka: MHRA ayaa si guud ugu ogolaanaaya bukaannada xuquuqda gelitaanka diiwaannada caafimaadka marka ay codsadaan. Waxaa intaas dheer, dhakhaatiirtu waa inay bixiyaan ogeysiiska qoran ee xeerarkooda diiwaannada caafimaadka iyo ogeysiiska qoran ee xuquuqaha bukaannadu u leeyihiin eegista diiwaanadooda.
  • Shaacinta diiwaannada caafimaadka: Sida ku cad MHRA, diiwaannada caafimaadka ayaa keliya loo sheegi karaa qolo sadexaad marka saxiixa iyo taariikhda ogolaanshaha lagu qoro ama marka uu ogolaansho gaar ah siiyo sharcigu. Ogolaanshaha saxiixan ee taariikhda lagu qoray ayaa caadiyan shaqeynaaya hal sano ilaa in si kale loo sheego maahee.
  • Ganaaxyada: Dhakhatiirta Minnesota ayaa waajihi kara talaabo ka dhan ah ruqsadooda ama dacwad madani ah haddii ay ku fashilmaan ku dhaqanka MHRA. Jebinta sharciga MHRA ayaa aasaas u noqon karta talaabo dhanka anshaxa ah oo ay qaadaan Gudiga Xeerka Caafimaadka. Waxaa intaas dheer, dhakhtar ayaa masuul ka noqon kara waxyeelooyinka, kharashaadka, iyo kharashka qareenka haddii dhakhtarku baahiyo diiwaannada caafimaadka qaab kasoo horjeeda sharciga MHRA.

Marna ma suuqgayno ama iibino xogta shaqsiga ah. Taariikhda Rasmiga ah ee Ogeysiiskaan 9/20/20

Sarkaalka Sirta Xogta: Dr. Julie Amaon, Agaasimaha Caafimaadka [email protected] (320) 905-9921

Isbadellada Shuruudaha Ogeysiiskaan
Wax baa laga beddeli karaa shuruudaha ogeysiiskan, oo wixii laga beddelo waxa ay khuseyn doonaan waa macluumaadka aan adiga kaa hayno oo dhan. Ogeysiiska cusub waxaa ka heleysaa marka aad ka soo codsado xafiiskeena, iyo barteena intarnetka.

Xuquuqda daabacaada iyo koobiga: 2024Just The Pill. Dhammaan xuquuqahu way dhowran yihiin.